Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Barakacayaal Muqdisho lagu afurinayo

Boqolaal qoys oo kamid ah dadka gudaha ku barakacay ee ku nool xeryaha magaalada Muqdisho ayaa maalin kasta oo bisha ramadaan kamid ah ka faa'iideysta afru bisil oo ay ugu deeqday hay'adda samafalka ee dalka Qadar.

Qoysaskan ayaa la siiyaa cuno bisil oo ugu filan afurkooda, hasee yeeshee waxa jira kumannaan kale oo aan fursadahaasi helin.

Haddaba weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa tagay mid kamid ah xarumaha Qatar Charity ka samaysay magaalada ee lagu afuriyo dadka barakcayaasha ah iyo qaar kamid ah xeryaha dadka gudaha ku barakacay, warbixintan ayuuna ka soo dirayay.