Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cabdiraxmaan Koronto oo BBC ka tagaya

Maanta waxaa shaqada BBC ugu eg tahay, Cabdiraxmaan Koronto, oo muddo lix iyo toban sano ah ka soo shaqaynayay BBC.

Cabdiraxmaan Koronto oo ku soo biiray BBC sanadkii 2000, waxaa intii uu shaqaynayay uu ka soo qabtay BBC howlo warbaahineed baaxad leh, isagoo soo qabtay jagooyin kala duwa sida Tifaftire, Soo saare sare, barnaamij soo saare dhinaca Raadiyaha iyo Online-ka.

BBCSomali.comka dhagayso waraysi uu Cabdiraxmaan kaga hadlayo waayo-aragnimadiisii shaqada BBC iyo howlihii uu soo qabtay.