Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Itoobiya oo loogu baaqey siideynta saxafi reer Somaliland ah

Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa ka codsaday Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya in ay sii daayaan saxafi reer Somalilanad ah.

Waxay sheegeen in weriyahaasi uu ka tirsanaa Tiifiiga-ga Horn-Cable.

Dowladda Deeganka Soomaalida Itoobiya ayaa shalay xiray shan weriye, iyaga oo markii dambe sii daayay afar ka mid ah sida uu sheegay SOLJA.

Haddaba waxaan arrintaas ka waraysanay Guddoomiyaha Ururka suxufiyiinta Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto, waxaana ugu horeyn waydiinay sababta loo xiray weriyayaasha.