Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xuseen Yoonis oo xaaladda Xalab soo arkay

Xaaladda bini aadamnimo ee dalka Suuriya ayaa sii xumaaneysa, waxaana weli ka socdo dagaallo u dhexeeya dhinacyo badan oo iska soo hor jeeda.

Magaalooyiin badan ayaa go'doon ku jiro oo aan la ogolayn in la galo ama laga soo baxo. Laakiin hay'ada Qaramada midoobeey oo keli ah ayaa loo ogol yahay inay gargaar gaarsiiyaan.

Xudunka colaadaha Suuriya waa magaalada Xalab oo ah meesha uu ka bilowday kacdoonka ka dhanka ah dowladda Bishaar Al-asad.

Dadka magaaladaasi gala ee u shaqeeya UN waxaa kamid ah Xuseen Yoonis Xasan, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan hay'adda UNOCHA.

Xuseen dhowr jeer ayaa abaalmarin lagu siiyay howlaha gargaarka ee uu ka shaqeeyo. Mardhow ayuu ka soo noqday Xalab.

Studiyaha BBC-da ee Nairobi ayuu ugu warramay Axmed Xaji Xasan.