Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kuleylka qoraxda iyo xilliga Ramadaanta ee Masar

Sanadkan Soonka wuxuu ku soo aaday xilliga xagaaga oo dalal badan uu kuleyl aad ah uu ka jiro.

Dalka Masar, saacadaha la soomayo aad ayey u badan yihiin, qoraxdana aad ayey u kulushahay, taas oo keentay in dadka qaar ay awoodi waayaan inay soomaan.

Dhiig kar, madax xanuun, wareer, tabar daro iyo haraad daran ayey dadka dareemayaan, waxaana dadka qaar la sheegay in cirbado lagu duray.

Dadka kuleylkaas daran ku soomaya waxaa kamid ah Cabdullahi Adeec oo ah weriye madax banaan oo ka howlgala Qaahira.

Qadka telefoonka ayuu ugu warramay Axmed Xaji Xasan