Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay tahay sababta Ugandha ay AMISOM uga baxayaan

Ugandha waxay go'aansatay inay ciidamadeeda kala baxdo Somaliya ugu dambeyn bisha December ee sanadka 2017-ka.

Waxaa Ugandha Soomaaliya ka joogo ciidamada ugu badan ee midowga Afrika ee dagaalka kula jira ururka Al-Shabaab.

Alshabaab ayaa laga saaray inta badan magaalooyiinka waaweyn, laakiin weli waxa ay geysanayaan qaraxyo dhimasho badan sababa iyo weeraro gaadmo ah oo ay ku qaadaan fariisimada AMISOM.

Taliyaha ciidamada difaaca ee Ugandha, General Katumba Wamala waxa uu BBC-da u sheegay in go'aanka ay ciidamadooda kagala baxayaan Somaliya uu ka dhashay Jahwareerka ciidamada Somaliya iyo beesha caalamka.

Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdi Samad oo ka faallooda arrimaha Afrika ayaa arrintaasi sharaxaya..........