Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Heshiis laga gaaray celinta qaxootiga Dhadhaab

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa heshiis ku gaaray qorshaha lagu daradar galinayo dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee ku jira xerada Dhadaab, waxaana loo marayo heshiiska saddex geesoodka ah ee u dhaxeeya labada dowladood iyo hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

Shir ay dhinacyada ku yeesheen magaallada Nairobi, Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye, dhiggiisa Kenya Aamina Maxamed iyo madaxa UNHCR Filippo Grandi, ayaa laga soo saaray war lagu sheegay in dhammaadka sanadkan 2016-ka la qorsheeyay in Soomaaliya lagu celiyo 150 kun oo qof oo Soomaali ah.

Haddaba Gudoomiyaha guddiga dowladda somaliya u qaablisan qaxootiga Axmed Nuur ayaa waxaa waxyaabaha laga wadahadlay u uga waramay cissa xaaji cabdille.