Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland oo xustay 26-ka June

Waxaa xalay xarunta madaxtooyada ee magaalada Hargeysa lagu qabtay xaflad calan-saarka 26-ka June 1960, oo ah maalintii ay goboladii waqooyi - ee hadda ah Somaliland - xornimadoodii ka qaateen gumeystihii Britain.

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadaasi wuxuu ku soo qaaday taariikhada 26-ka June, Midowgii Soomaaliya , iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa warbixintan nooga soo diray munaasabadaasi.