Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wiil nooga waramay dhibaatada tahriibka

Badweynta Mediterranean-ka oo aan kacsanayn ayaa sababtay in ay kordhaan tirada dadka ka baxaya waqooyiga Afrika si ay u gaaraan Yurub maalmihii la soo dhaafay.

Ciidammada ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa sheegay in khamiistii la soo dhaafay oo kali ah ay soo badbaadiyeen 4500 oo muhaajiriin ah.

Dadka intooda badan waxay u socdaan dalalka waqooyiga Yurub.

Faarax Maxamed Yusuf wuxuu ka mid yahay dadka ay u suurtogashay in ay gaaraan Jermalka.

Cabdirisaaq Xaaji Catoosh ayuu uga waramay safarkiisii uu ka billaabay magaalada Boosaaso horraantii sanadkan.