Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cudurada biyaha ka dhasha ee Soomaaliya

Qaar kamid ah gobolada konfurta iyo bartamaha Soomaaliya dadka ku nool waxa faro ba'an ku haya cudurka shuban biyoodka iyadoo uu soo ritay kumannaan qof sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka.

Deegaanada qaar waxa jira dhimasho uu cudurku keeno maalin kasta gaar ahaan magaalada Beledweyne iyo deegaamada ku dhaw dhaw oo uu dhawaantan ku fatahay webiga Shabelle sida ay sheegeen maamulka gobolka Hiiraan.

Haddaba, Dr Cabdikarim Casayr oo ah khabiir cafimaad oo saldhigiisu yahay Muqdisho ayaa weriyaha BBC Ibraahim Maxamad Aadan uga warramay xaaladda shubanka ee Soomaaliya.