Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gudoomiyaha Sool oo dhibaatada laascaano nooga waramay

Magaalada Laascaanood maanta waxaa lagu soo rogay Bandow, kaddib markii labo qof oo shacab ah lagu dilay duleedka magaalada, Dilkan ayaa waxaa ka sii horeeyey dagaal beeleedyo u dhaxeeyey labo reer oo walaalo ah oo deeganadaasi dagan.

Sidoo kale maamulka Somaliland ayaa xiray odoyaal ay sheegeen in ay wax ka qaban waayeen colaada beelahan, hadaba si aan wax badan uga ogaano arrimahan dhacaya ayaa cabdirisaaq Xaaji Catoosh waxuu ka waraystay Mustafa Cabdi Ciise (Shiine) oo ah Gudoomiyaha gobolka Sool.