Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ururka Qareenada Kenya oo ku dhawaaqay shaqo joojin

Ururka Qareenada Kenya ee magaciisa loo soo gaabiyo LSK, ayaa go'aansaday inuu bilaabo shaqo joojin socon doonta muddo todobaad ah, arrintaasi oo ay kaga cabanayaan dilka saaxiibkood, Qareen Willie Kimani, qofkii uu matalayay iyo darawalkoodii.

Qareenadu waxa ay soo dhaweeyeen xariga askarta booliska laga shakiyay, waxa ayse dalbadeen in maxkamad la soo taago oo sharciga la mariyo.

Dadka la waayo iyo dilalka ayaan aheyn wax ku cusub Kenya, iyadoo hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay dhowr jeer oo hore soo saareen cabasho arrintaasi ku saabsan.

Haddaba si aannu wax badan uga ogaanno waxyaabaha ay dalbanayaan qareenada ayaa waxaannu la xiriiray Axmed Cabdirashiid Xasan, oo ka tirsan Ururka Qareenada Kenya, khadka taleefanka ayuu ugu warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo marka hore waydiiyay waxa uu yahay ujeedka dibadbaxan ay qorsheeyeen?