Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Siduu u dhacay weerrarka ismiidaaminta Madiina?

Waxaa dalka Sucuudiga ka dhacay qaraxyo lala beegsaday saddex magaalo oo kala duwan, waxaana ka mid ah meelaha qaraxyadu ay ka dhaceen magaalada barakaysan ee Madiina al-Munawarah oo meel aad ugu dhaw Masjid Al-Nabawi al-shariif uu nin ismiidaamiyay isku qarxiyay xilligii afurkii.

Afar askari ayaa ku dhintay weerrarka iyo qofkii ismiidaamiyay.

Haddaba si aan wax badan uga ogaanno qaraxa ka dhacay meel Masjidka Nabiga (SCW) u dhaw ayaa waxaannu khadka taleefanka ee magaalada Madiina kula xidhiidhnay Yuusuf Shukri Barkhadle (Tahbiib) oo ah gudoomiye ku xigeenka Jaaliyadda Soomaalida ee Madina, waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo ugu horrayn waydiiyay halka qaraxu uu ka dhacay?