Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay tahay danaha ammaanka ee ay Israa'iil iyo Afrika wadaagaan?

Ra'iisul Wasaaraha Isaraa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku guda jira booqasho uu ku marayo afar dal oo ku yaal Bariga Afrika.

Booqashadiisa ayuu shalay ka bilaabay dalka Uganda, halkaasi oo garoonka diyaaradaha ee Entebbe uu ku xusay sanadguuradii 40-aad ee ka soo wareegatay markii ay Israa'iil halkaasi ka fulisay howlgal ay ku furatay dad afduub looga haystay.

Sidoo kale waxa uu ka qeybgalay shir madaxda gobolka ay kaga hadlayeen arrimaha argagixisada iyo ammaanka.

Maanta waxa uu ku sugan yahay dalka Kenya, oo uu kula kulmayo Madaxweyne Uhuru Kenyatta, iyadoo arrimaha ay ka wadahadlayaanna uu ugu horreeyo ammaanka.

Haddaba waa maxay danaha ammaanka ee ay Israa'iil iyo Afrika wadaagaan?

Su'aashaas iyo kuwa kale ayaa waxaan hordhignay Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, oo ka faalooda arrimaha Afrika, waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.