Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa ugu muhiimsan booqashada Netanyahu ee Itoobiya?

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa booqashadiisa Afrika waxa uu ku soo gebagabaynayaa dalka Itoobiya halkaasi oo la filayo inuu kula kulmo saraakiisha sarsare ee dowladda uuna la saxiixdo heshiisyo ganacsi.

Tan iyo markii uu Afrika yimid 4-tii July, Netanyahu waxa uu sidoo kale booqday Uganda, Kenya iyo Rwanda, waxaanu yiri waa tallaabo taariikhi ah oo ay Israa'iil dib ugu soo laabatay qaaradda.

Waa Ra'iisul Wasaarihii ugu horreeyay ee Israa'iili ah ee Afrika booqasho ku yimaado muddo ka badan 30 sano ah.

Haddaba maxaa ugu muhiimsan booqashadiisa? Dr Ibraahim Faarah Bursaliid oo ka faalooda arrimaha caalamka ayaan su'aash iyo kuwa kale waxaa waydiiyay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.