Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dilalka aan xalka lahayn ee Kenya ka dhaca

Qareenada dalkani Kenya ayaa waxa ay qateen isu soo bax kadib markii la helay maydka mid kamid ah ururkooda oo si sharcidaro ah loo dilay.

Booliska waxay sheegeen in arrinta ay tahay mid dad gaar ah aysameeyeen maxkamaddana ay go'aan ka gaari doonto.

Laakiin kiiskan waxa uu muujiyay taariikha dilalka aan xalka lahayn ee xittaa lala xiriirinayo ciidamada amniga ee Kenya.

Dadka u ololeeya arrimaha bulshada ee isku raranka Mathare ee Nairobi waxa ay sheegayaan in qiyaastii 60 dhallinyaro ah ay booliska dileen sanadkan oo keli ah, taas oo booliska dhankooda ay beeniyeen.

Weriyaha arrimaha amniga Afrika ee BBC-da, Tomi Oladipo ayaa faafaahinta inoo haya.