Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ciyaarta ugu dambeysa ee Euro-2016 ee caawa dheceysa

Kooxda martigelineysa ciyaaraha Euro 2016ka waxa ay maanta fooda darayaan Poortoqiiska oo ay isugu yimaadeen kullanka ugu dambeeya ee tartamada.

Magaalada Paris oo ciyaarta ay ka dheceyso waxaa lagu wada sharaxay calanka Faransiiska, inkastoo kan Poortoqiiska uusan meesha ka maqneyn.

Stade de France, ayey ciyaarta ka dheceyaa, halkaas oo ah meshii qaraxa uu ka dhacay sanadkii hore xilli ay ciyaar saaxiibtinimo ay ka socotay.

Qaraxaasi iyo rasaas daba socotay waxa ay sababtay geerida 130 qof. Laakiin hadda amniga aad ayaa loo adkeeyay.

Khadiija Qalanjo ayaa Axmed Xaji Xasan uga warrantay sida uu diyaargarowga u socdo.