Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Nin curyaan ah oo digaagga ku iibiya xaafadaha Garissa

In kastoo ganacsigu uu heerar kala duwan leeyahay ayaa haddana marka laga yimaado in lagu bilaabo dhaqaale buuran iyo tas-iilaad ku habboon, mararka qaarna qofka ganacsanaya iyo sida uu yahay.

waxaa jiro dad u arka in ganacsiyada qaarkood ay dhib ku tahay dadka dhaqdhaqaaqoodu yar yahay.

Laakin taas waxaa beeniyey Dhuuboow Xasan.

Dhuuboow oo da' afartanaad ku jira wuxuu ka jabay qoorta isagoo yar .

dhaawacaasna wuxuu ku reebay in dhaqdhaqaaqiisu uu noqdo mid xaddidan, sidaasoo ay tahayna noloshiisa iyo tan qoyskiisaba wuxuu ka soo saaraa ganacsi uusan dhaqaale weyn u hayn markii uu bilaabayey, jir ahaanna uu la qabsaday caqabadaha uu la kulmo.

Digaagga ayuu xaafadaha magaalada Gaarisa ku iibiyaa.

Arrimahaas ayuu Bashkas jug soo dhacay kala sheekaystay Dhuubow Xasan oo Gaarisa looga yaqaanno Kuku oo ah kalmad af sawaaxili ah micnaheeduna yahay Digaag.