Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay tahay sababta uu dagaalka K Sudan uu dib ugu bilowday?

Golaha amniga ee Qaramada Midoobeey ayaa hogaamiyayaasha siyaasadda ee Sudaanta Koofureed ku booriyay inay xakameeyaan ciidamadooda.

Dalkaasi waxaa dib uga qarxay dagaal boqollaal qof ay ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Juba.

Go'aan aan loo kala harin ayuu golaha amniga ku muujiyay carada ay ka qaadeen weerar lagu qaaday dhismaha Qaramada Midoobeey iyo dad rayid ah.

Waxa ay sheegeen in tallaabooyiinka noocaas ah ay dhalinkaraan tacaddi ka dhan ah aadanaha iyo dembi dagaal.

Galaha ayaa sheegay inay diyaar u yihiin xoojinta howlgalka nabad sugidda ee dalkaasi, waxayna dalalka deriska la ah ku boorinayaan inay ciidamo dheeraad ah u diraan.

Safiirka Mareykanka ee UN, Samantha Power, waxa ay sheegtay inay jirto walaac ah inaysan jirin cid maamusha ciidamada isdagaallaya.

Hadaba maxay salka ku haysa colaadda dalkan. Dr Ibraahim Faarax Bursaliid ayaa Axmed Xaji Xasan uga warramay.