Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqeyn: Theresa May waa qof noocee ah?

Haweeneyda noqondoonto ra'iisul wasaaraha dalka Britain ayaa waxa ay ballan qaaday in ay mid guuleysta ka dhigi doonto, hanaanka ay UK kaga baxayso Midowga Yurub.

Theresa May - oo hadda ah wasiirka arrimaha gudaha - ayaa waxa ay noqotay hogaamiyaha cusub xisbig Conservative-ka, ka dib markii haweeneydii kale ee la tartameysay ay tartanka isaga baxday.

Waxa ay shaqada kala wareegi doontaa ra'iisul wasaaraha hadda ee iscasilay, David Cameron, oo Arbacada xilka wareejin doona.

Xildhibaan Hibaaq Jaamac, oo laga doorto golaha degaanka Britian, isla markaana aqoon u leh siyaasada Britian, ayaa Cabdiraxaman Bidhaan Daahir weydiiyay bal waxay ra'iisal-wasaaraha la sugayo Theresa May nooga sheegi karto.