Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wasiiradda arrimaha dibedda ee Afrika oo ku shiraya Kigali

Caasimadda Kigali ee dalka Rwanda waxaa ka socda kulan ay leeyihiin wasiiradda arrimaha dibedda ee dalalka Midowga Afrika, kaasoo gogol xaar u ah kulan madaxeedka ay hogaamiyayaasha qaaradda yeelan doonaan dabayaaqada todobaadkan.

Arrimaha looga wadahadli doono shir madaxeedka ayaa waxaa ka mid ah dhaqaalaha ku baxa Midowga Afrika iyo in dalalka qaaradda ay yeeshaan baasaboor qura ah.

Haddaba weriyaha BBC Axmed Xaaji Xasan oo ku sugan madasha shirka ee Kigali, ayaa shirka socda ka wareystay Maxamed Idiris Faarax, oo ah safiirka Jabuuti u fadhiya Addis Ababa, isla markaana u qaabilsan Midowga Afrika.