Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Odayaasha Hiiraan oo ka hadlay kullanka IGAD

Ergo ka socotay urur goboleedka IGAD ayaa shalay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kulamo kula yeeshay qaybaha bulshada, gaar ahaan, hogaanka dhaqanka.

Waxa ay kala hadleen sidii meesha looga saari lahaa wiixii caqabado ah ee horyaal socod siinta habka maamul goboleed loo dhisayo degaanada hiiraan iyo sh/dhexe.

Khilaafka taagan waxa uu dhaliyay in shirkii Jowhar ka socday uu hakad ku yimaado.

Haddaba waxaan la xiriirnay Ugaas Cali Ugaas Muxumed Ugaas shafeec oo ah afhayeenka ugaasyada gobolka. Xasan Cali Geele ayuu ugu waramay waxa ay ka wada hadleen.