Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

David Cameron maxaa lagu xasuusanayaa?

Ra’iisul wasaaraha Britain ayaa maanta shaqada si rasmi ah uga tagaya kadib markii lix sano uu xilkaasi hayay.

Waxa uu wajahayaa maanta su’aalaha ugu dambeeyo ee la weydiinayo inta xilkaasi uu hayo, ka hor inta uusan istiqaaladiisa u gudbin boqoradda UK.

Waxa uu shalay shirgudoomiyay kullankiisii ugu dambeeyay ee Wasiirada uu la yeesho.

Theresa May ayaa la filayaa inay xilka kala wareegto Mr Cameron, oo ayna noqoto ra’iisul wasaaraha cusub.

Waxa uu ra'iisul wasaaraha Britain ahaa tan iyo 2010kii, wuxuuna go'aansaday inuu iscasilo ,arkii aftidii Britain looga guuleystay oo dadka ay u codeeyeen inay EU ka baxaan.

Waxyaabaha lagu xasuusto waxaa kamid ah inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay shirkii ballaarnaa ee Soomaaliya iyo beesha caalamka loo qabtay sanadkii 2012kii, kaas oo uu ka dhashay waxa hadda loo yaqaano 'New Deal'.

Hadaba, Adan Mataan, oo ku sugan London, kana faalooda arrimaha siyaasadda, waxa uu horey ula kulmay David Cameron, ayaa weriyaha BBC-da ee Cabdiraxman Bidhaan uga warramay waxa Mr Cameron uu qabtay Iyo waxa Soomaalida ay ku xasuusato.