Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hadliye oo ka hadlay bixitaanka Amisom

Waxaa caasimadda Kigali ee dalka Rwanda lagu soo gebageebayay kulan ay ku lahaayeen wasiirrada arrimaha dibedda ee dalalka Midowga Afrika.

Arrimaha ay ka wadahaleen waxaa ka mid ahayd xiisadda colaadeed ee kasoo cusboonaatay dalka South Sudan iyo xaaladda Soomaaliya.

Kulanka ayaa gogol xaar u ahaa shir madaxeedka hogaamiyayaasha qaaradda ee dabayaaqada todobaadkan ka dhici doona Kigali.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaan Hadliye Cumar oo ka qeyb galay kulanka wasiirrada ayaa Axmed Xaji Xasan u warramay, waxaana marka hore uu weydiiyay sida uu u arko hadalkii AMISOM ay dhawaan sheegtay ee ahaa in ay Soomaaliya ka baxayso sanadka 2020-ka.