Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muqdisho oo dibad bax ku taageertay Turkiga

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay isu soo baxyo dadweyne oo lagu taageerayo madaxda iyo dawladda Turkiga kaddib markii uu fashilmay afganbi milatari oo la doonayay in xilka lagula wareego.

Dadweynaha Banaanbaxayay oo isugu yimid fagaaraha daljirka dahsoon ayaa markii danbe lug ku tagay safaaradda Turkida ee Muqdisho.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan oo tagay isu soo baxyadaasi ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.