Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Haweenka garsoorka ka shaqeeya oo Somaliland kusoo badanaya

Maanta oo kale sanad waliba waxaa caalamka laga xusaa maalinta garsoorka.

In kastoo dumarka Soomaalida ah aanay si weyn uga dhex muuqan xirfadaha garsoorka, ayaa haddana Somaliland waxaa sanadihii dambe kusoo badanayay haweenka qareennada ama xeer ilaaliyayaasha ah.

Arrintaasi ayaa la sheegayaa in ay waxbadan ka tarto in haweenku helaan dumar garyaqaanno ah oo ay dacwadahooda u sheegan karaan.

Fardowsa Aadam Maxamed waa garyaqaan xirfadeeda kaga shaqeysata maxkamadaha Somaliland siiba kuwa Hargeysa.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa wareystay Fardowsa oo ugu horeyn weydiiyay tirada hablaha ay isku xirfadda yihiin ee Somaliland ka shaqeeya.