Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Saameynta ay yeelan karto xiritaanka Nile academy

Soomaaliya waxa ay ka mid ahayd dalalkii ugu horeeyay ee cambaareeyay isku-dayga afgembi ee Turkiga ka dhacay.

Afgembiga dhicisoobay ka dib, xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa amartay in ay dalka ka baxaan shaqaalaha hay'adda Nile Academy, waxaana ay sheegtay in tallaabadaasi ay ka codsatay xukuumadda Turkiga.

Haddaba maxaa saameyn ah oo ka dhalan karta bixitaanka hay'adaasi.

Cabdirashiid Xaashi waa agaasimaha Mac-hadka cilmi baarista ee Heritage, waxaana uu ka mid ahaa gudi wasiiro ah oo ka warqabay markii ay hay'adaasi dalka soo galaysay. Khadka telefoonka ee Muqdisho ayuu ugu warramay Suheyba Maxamed Badqas.