Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cudur dhibaato ku haya carruurta Wajeer

Woqooyiga Wajeer, tiro Carruur ah ayaa lagu soo waramayaa in ay la il daran yihiin cudur aan horey loo arkin oo dhanka maqaarka ah, kaasi oo faro ba'an ku hayo carruurta. Cudurkan ayaa curyaamiyay carruurta qaar, halka intooda badan uu jirkii ingagay oo uu daldalaacay. Inkastoo carruurta badankood ay ku dhasheen cudurkan, haddana waxaa jiro qaar kale oo uu ku dhacay iyaga oo weyn. Weriyaha BBC-da Ciise Xaaji Cabdulle ayaa dhawaan tagay dhulka ay dhibaatada ka jirto warbixintan ayuuna nooga diyaariyay.

Mowduucyada la xiriira