Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxda Afrika oo ogolaatay in ciidamo loo diro Suudaanta Koonfureed

Hoggaamiyeyaasha qaaradda Afrika ayaa taageeray qorshe ciidamo ka socda gobolka loogu dirayo Suudaanta Koonfureed kaddib markii dhawaan uu dagaal dhex maray xoogagga is diidan, dagaalkaasi oo ay ku dhinteen boqolaal qof. Ciidamadaasi Midowga Afrika ayaa waxa ay ka kala imaan doonaan waddamada gobolka ee kala ah Ethiopia, Kenya, Rwanda, Sudan iyo Uganda. Haddaba maxay tahay sababta ciidamo Afrikaan ah halkaasi loo gaynayo oo aan loo gaynayn ciidamo ka socda qaramada Midoobey, su'aashaasi iyo kuwo kale ayuu weriyaha BBC-da Ciise Xaaji Cabdulle u bandhigay Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faalooda arrimaha Afrika.

Mowduucyada la xiriira