Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaaladda dadka la nool cudurka HIV/AIDS ee soomaalia

Magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika waxa weli ka socda shirk caalamiga ahaa oo ku saabsan HIV/AIDS-ka, waxaana arrimaha lagu soo qaaday ka mid ah takoorka ay la kulmaan dadka la nool cudurkan .

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka Afrika ee dadka cudurkani asiibay ku noolyihiin, inkasta oo ay faro ku tiris yihiin marka la barbar dhigo wadamada kale ee qaaradda, waxa la sheegayaa dadka uu cudurkan asiibay ee la nool ay da'doodu u dhaxayso 15 ilaa 49 jir.

Haddaba Maxamed Siciid oo ah nin la nool xanuunkan isla markaana ka shaqeeya xarun dawooyinka cudurkan lagula tacaalo laga bixiyo oo ku daal magaalada Muqdisho ayaa xaaladda guud ee dadka cudurkan la nool iyo duruufahooga waxa uu uga waramay weriyaha BBC-da Cabdifataax Cagayare oo marka hore waydiiyay xaaladda guud ee dadka xanuunkan la nool ee uu ka warqabo.