Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shir ku saabsan maalgashiga bangiyada Soomaaliya oo Nairobi lagu qabtay

Magalaada Nairobi waxaa shalay lagu qabtay shir lagu soo bandhigayay fursadaha maal gashi ee ka jira Soomaaliya isla markaana lagu lafa gurayay sida loo xoojin karo bangiyada gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya ka bilowday iyo waliba xiriirka ay la yeelan karaan bangiyada dunida gaar ahaan kuwa dalka Kenya.

Shirkaasi waxaa soo qaban-qaabisay Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi. Danjiraha Soomaaliya ufadhiya Kenya, Jamaal Maxamed Xasan oo shirkaasi furayay ayaa sheegay in ujeedooyinka shirka ay ka mid yihiin in bangiyada ganacsiga Soomaaliya iyo kuwa Kenya ay is kaashadaan dowladaha labada dalna ay arrintaa taageero ka gaysan doonaan.

Haddaba weriyaha BBC -da Bashkas Jug Soodhacay ayaa la kulmay Xasan Axmed Yuusuf oo ah madaxa Bankiga International Bank of Somalia IBS iyo Haashim Ducaale oo ka socday Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha Soomaaliya oo uu labaduba ka waraystay arrimaha shirka lagu gorfaynayay.