Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Adeegyadii caafimaad ee isbitaalka Deva oo istaagay

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhaqan galay go'aankii xukuumadda Soomaaliya ay dalka uga saartay hay'adda Turkiga ee Nile ee maamuli jirtay xarumo caafimaad iyo kuwo waxbarasho oo ku yaalla magaalada caasimadda ah.

Waxaana sidaa ku istaagay dhammaan adeegyadii ay bixin jireen isbitaalada iyo iskuulada ay gacanta ku haysay hay'addaasi.

Bukaan socodka sida joogtada ah u tagi jiray isbitaalka Deva oo ka mid ahaa xarumaha hoostagi jiray Nile, waxaa ka mid ahaa kuwo sedexdii maalmoodba mar loo samayn jiray kalyo dhaqid, adeegaasi oo aan markii hore dalka laga heli jirin.

Haddaba weriyaha BBC-da ee Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aadan, ayaa tagay xarunta Isbitalka Deva, warbixintan ayuuna ka soo diray.