Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ammaanka Rio de Janeiro oo loo adkeeyay

Dalka Brazil, waxaa la adkeeyay ammaanka magaalada Rio de Janeiro halkaasi oo horaanta bisha soo socota ay ka furmi doonaan ciyaaraha olimbiga. Kumannaan kun oo boolis ah ayaa la geeyay magaaladaasi si ay u sugaan ammaanka dadka u imanaya ciyaarahaasi iyo weliba garoomada ay ka dhacayaan.

Todobaadkii hore ayaa laamaha ammaanka ee Brazil waxa ay sheegeen in ay qabteen 12 qof oo lala xiriirinayo ururka isku magacaabay Dawladda Islaamka. Warbixin ammaanka Rio ku saabsan waxaa magaaladaasi kasoo diray weriyaha BBC Wire Davies, Xasan-deeq Cabdullahi Haybe ayaa soo jeedinaya.