Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ciyaaraha Barafka oo Kenya laga bilaabay

Dalka Kenya ayaa waxaa lagu yaqaan inuu yahay dal awood ku leh ciyaaraha fudud, hasayeeshee ciyaarta kaliya ee aanan loo tiirin karin ayaa ah ciyaarta lagu dheelo barafka ee Ice Hockey.

Oo Kenya waxa ay haatan abaabushay koox ciyaarahii dheesha, taasi oo inkasta oo ay ciyaarahan ku cusub yihiin bilowday inay mustaqbalka isu diyaariso ciyaaraha Olympic-ada.

Kooxda ayaa ku tababarata goobta kaliya ee ciyaartaasi lagu dheelo gobolkan oo ku taal maagalada Nairobi.

Weriyaha BBCda Emmanuel Igunza, ayaa waqti la qaatay kooxdaasi bal si uu u ogaado sababta ay u soo jiiteen dareenka dadka Kenya, warbixintan ayuu ka diyaariyay oo uu soo jeedinayo Axmed Xaaji Xasan.