Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ariga Soomaaliya oo la tallaalayo ka hor xajka

Iyadoo uu inagu soo fool leeyahay xilligii xajka ee inta badan uu sare u kaco dhoofinta xoolaha ayaa deegaano ka tirsan Soomaaliya waxaa ka bilowday tallaalka xoolaha.

Tallaalkan oo loo sameynayo ariga ayaa haatan waxa uu ka soconayaa gobolka Shabeelaha Dhexe oo ka mid ah deegaanada laga qaado xoolaha loo dhoofiyo dalka Sucuudiga gaar ahaan xilliga xajka.

Dr Cismaan Maxamed Cali (Cisman Gaab) oo ah dhaqtarka hogaaminaya ololaha tallaalkan ka socda gobolka ayaa waxa uu u warramay weriyahayaga Axmed Xaji Xasan.