Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cabdi Nageeye oo u orda Holland oo inooga warramay diyaargarowgiisa Olympicada

Iyadoo maalmo kooban ay ka harsan tahay Ciyaaraha Olympic-ga Adduunka ee lagu qaban doono magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil, ayaa maanta waxaannu eegaynaa sida ciyaaryahanada tartankaasi ka qeyb galaysa ay ugu diyaargaroobeen.

Cabdiraxmaan Aaden Nageeye (Cabdi Nageeye) waa wiil Soomaali ah waxa uuna tartanka Olympic-ada ku matalayaa dalka Holland.

Cabdiraxmaan muddo ayuu tababar dhanka orodka ah ku sameynayay gobolka Rift Valley ee dalkan Kenya, isagoo tababarka halkaa kula qaadanayay orodyahanno kale oo ka kala yimid caalamka.

Weriyaha BBC-da laanta Afka Sawaaxiliga, Cabdinuur Aaden ayaa kula kulmay deegaan uu ku tababaranay wareysigan ayuuna la yeeshay.