Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Bandhiga buugaagta Hargeysa oo soo jiitay dadweyne fara badan

Bandhiga caalamiga ah ee buugaagta ee Hargeysa ka socda ayaa waxaa aad u xiiseeya oo u daawasho taga amaba buugaag ka soo iibsada dadweyne fara badan, gaar ahaan dadka qurba jooga ah oo xilligan xagaaga aad u yimid Hargeysa.

Weriyaha BBC, Axmed Saciid Cige, ayaa haddaba doodan gaaban u qabtay wiil iyo gabadh u soo daawasha tagay bandhigaasi, marka hore Axmed waxa uu sharaxaya sida ay goobtu wax uga socdaan.