Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

UN oo dhiiragelineysa naas nuujinta caruurta

Hoyooyinka ilamaha naasnuujiya ayaa waxaa lagu dhiiragelini doona inay sawiir iska qaadan xilliga naasnuujinta iyadoo arrintaasina ay qayb katahay olole ay Qaramada Midoobay doonayso inay ku xoojiso wacyigelinta ku saabsan muhiimada ay leedahay nasnuujinta.

Qramada Midoobay waxay sheegaysa in 7 milyan oo caruur ah aanan la naasnuujinin saacada ugu horeysa ee ay dhashaan taasi oo keenta in caruurtaasi ay wayan nafaqo muhiim ah oo ka dhifaaci lahayd cudurada iyo dhimasho, sida UN ay sheegeyso.

Hay'ada Qaramada midoobay ee xanaanada caruurta UNICEF ayaa sheegaysa in caruurta aanan la nuujinin naaska ay uga dhawyihiin inay u dhintaan caabuqa laba-jibaar kuwa naaska la nuujinaya gaar ahaan lixda bilood ee ugu horeysa noolashooda,

Haddaba Dr cabdulqaadir Xuseen Warsame ayaa arrimahaasi uga waramay Faarax Lamaane.