Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqeyn ku saabsan xaaladda Sudaanta Koofureed

Dalka Suudaanta Koofureed, weli waxaa ka sii socda qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhalatay xil ka qaadista lagu sameeyay madaxweyne ku xigeenka Riek Machar

Xilkaasi ayuu ku helay heshiis dhexdhexaadin ah oo lagu saxiixay magaalada Addis Ababa.

Kadib markii ciidamada Machar ay isku dheceen kuwa madaxweynaha Salva Kiir, waxaa Mr Machar uu ku qasbanaaday inuu caasimadda ka baxo.

Talaadadii, sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga Machar ee SPLM, Taban Deng, ayaa loo dhaariyay xilka ku xigeenka, taas oo Mr Machar uu ka soo horjeestay.

Hadaba muxuu noqon karaa heshiiskii nabadda, taasi waxaa ka hadlay guddiga la socodka iyo falanqeynta heshiiskaasi.

Festus Mogae oo ah gudoomiyaha guddigaasi oo BBC-da la hadlay wuxuu ka gaabsaday in xil kaqaadista Machar lagu tilmaami karo sharci, wuxuuna ku baaqay baaritaan.

Clip Festus Mogae

Haddaba mr haddii dhex-dhexaadiyaha colaadda Suudaanta koonfureed uu leeyahay magacaabista madaxweyne ku xigeenka koobaad ee dalkaasi waa khalad, sidee ayay xaaladda noqon kartaa.

Su'aashaasi iyo kuwo kale ayaan hor dhigay Dr Ibraahim Faarah Bursalid oo ka faalooda arrimaha Afrika. Xasan Cali Gelle ayuu u warramay