Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qoondada dumarka ee Baarlamaanka oo gobollada lagala hadlayo

Wafdi ay hogaamineyso wasiirka arrimaha haweenka iyo xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya ayaa ku sugan Puntland.

Waxay halkaasi u aadeen inay xaqiijiyaan in dumarka ay helaan qeybta ay siyaasadda ku yeelanayaan doorashada soo socota oo ah boqolkiiba 30.

Wafdiga wasiirka waxaa wehliya guddi dhowaantan loo sameeyay inay xaqiijiyaan in qoondada dumarka la meel mariyo ka hor doorashada.

Waxay safar ku tagi doonaan dhammaan maamul goboleedyada oo ay ka xaqiijina in dumarka ay helaan dhammaan kuraastooda.

Sahro Cali Samatar oo ah wasiirka arrimaha haweenka ayaa u warraantay Axmed Xaji Xasan