Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka jinsiyadda ee magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay kulan wadatashi ah oo socday mudo seddex maalmood ah kaas oo looga doodayay hindise sharciyeedka jinsiyadda Soomaaliga.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha ee Soomaaliya waxa ka qaybgalay xubno ka socday ururrada bulshda iyo wakiilo ka socday maamul goboleedyada.

Gabagabadii shirkaasi waxaa uu weriyahayaga magaalada Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan uu ka waraystay shirkaasi xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Yaxye Cali Ibraahim