Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Martida xaflad aroos oo uu daad ku qaaday Pakistan

Ugu yaraan 26 qof oo ka qeybgalaysay xaflad aroos ayaa waxa ay ku dhinteen fatahaad ka dhalatay roob xoog badan oo ka da'ay dalka Pakistan.

Musiibada ayaa ka dhacday gobolka Peshawar ee dalkaasi, halkaas oo weli ay roobab xoog badan ka da'ayaan.

Xilligan Koofurta qaaradda Asia waxaa ka da'aya roobabka loo yaqaano Monsoon-ka oo saameyn weyn ku yeeshay Hindiya, Nepa iyo Pakistan.

Duraan Xasan waa weriye Madaxbanaan, waxa uu u warramay Axmed Xaji Xasan