Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka xaaladda dhallaanka Soomaaliya

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF, Dowladda Federaalka Soomaaliya, deeqbixiyaasha iyo kooxaha ay howlwadaagta yihiin, ayaa maanta waxa ay magaalada Muqdisho ku soo bandhigeen warbixin looga hadlayay xaaladda dhallaanka Soomaaliya.

Warbixinta ayaa muujinaysa in xaaladda carruurta dalka ay soo hagaagtay, iyadoo carruur badan la tallaalay, iskuuladana ay tagaan, sidoo kalana ay soo bateen tirada qoysaska helaya daryeelka caafimaad iyo biyo nadiif ah.

Haddaba goobtii warbixintaasi lagu soo bandhigay waxaa ku sugnaa, weriyaha BBCda ee magaalada Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aadan, warbixintan ayuuna ka soo diray