Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqeyn ku saabsan duqeymaha Daacish ee Liibiya

Maraykanka ayaa duqay ka geystay dalka Liibiya oo uu ku bartilmaameedsanaya kooxda la magac baxday dawladda Islaamka.

Duqaymaha waxay ka dhaceen magaalda Sirte. Oo la sheego in kooxda ay ku xoog badan tahay.

Ciidamada Duqeeyay Daacish waxay sheegayaan inay gacan ka heleen kuwa dowladda midnimada Qaran ee dhowaantan la dhisay.

Ra'iisul wasaaraha Liibiya, Fayez Sarraj, hadal uu TV ka jeediyay waxa uu ku sheegay in Daacish dhibaat weyn lagu gaarsiiyay duqeynta.

Dowladaha Reer galbeedka waxa ku sii krdhaya walaaca ay ka qabaan Daacishta Liibiya.

Dr Sacad Sheekh Cusman oo ka faalooda arrimaha caalamka ayaa Axmed Xaji Xasan uu weydiiyay awoodda hadda ururkan la baxay Khilaafada Islaamka uu ku leeyahay gudaha Liibiya.