BBC Somali

War > Aqoon Guud

Qalliinka wejiga lagu qurxiyo ee Morocco

9 Novermber 2011 21:53
Qallinka jirka lagu qurxiyo ee Morocco

Prof Salaxudiin oo leh cisbitaal ku yaalla dalka Morocco ayaa sheegay in dumarka wadankaasi ay furfuran yihiin oo ayna xor yihiin, taasi oo sabab u ah tirada haweenka doonaaya in lagu sameeyo qalliin jirkooda lagu qurxinaayo.

Wariye ka tirsan BBCda oo booqday cisbitaalka Prof Salaxudiin ayaa sheegay in uu arkay dumar badan oo saf dheer ku jiray.

Lacagaha lagu bixiyo qalliinkani quruxda ayaa qaali ah marka loo fiiriyo dakhliga dadka. Shaqaalaha caadiga ah ee dalkaasi waxay bishii qaataan lacag dhan 500 oo Euro, qalliinkana waxaa ku baxo qarash gaaraaya ilaa 3000 oo Euro.

Gabdhaha safka ku jiro qaarkood ayaa wariyaha BBCda u sheegay in aysan ku faraxsanayn waxa ay samaynayaan, hasa ahaate, waxay ku adkaysteen inay qalliinkani uu yahay lagama maarmaan.

Wadanka Morocco waxaa jooga 50 dakhtar oo kaliye oo qaban karo qallinka jirka lagu qurxiyo.

Culumada dalka Morocco ayaa arrintani ka soo horjeeda iyagoo ku doodaayo in diinta Islaamka ay arrintaasi ka soo horjeedo.

Calaamadayso

Email Facebook Google+ Twitter