BBC Somali

War > Cayaaraha

Chelsea waxay la cayaaraysaa Wigan

Facebook Twitter Google+
7 Abriil 2012 16:18
Chelsea

Chelsea waxay martigalinaysaa kooxda Wigan.

Chelsea waxay hadda ku jirtaa booska libaax, si ay ugu soo laabato booska shanaad oo kooxda Newscastle ay kaga dhuumatay, waxay u baahan tahay in ay ka badiso kooxda Wigan.

Wigan lafteedu waxay ka cararysaa booska hoose, oo kooxda Wolves oo kaliya ayaa ka hoosaysa, waxayna halis ugu jirtaa in xilliga soo socda ay ka harto Premier League.

Chelsea ayaa leh 53 dhibcood, Wiganna waxay leedahay 28.

Ma aha labada koox oo isku dhigma ama isku heer ka taagan tartanka England Premier League oo kooxaha inta badan ay u dhiman tahay 7 ilaa 8 cayaarood.

Kulanka ay Chelsea iyo Wigan yeelanayaan maanta waa mid xiiso badan.

Inkastoo Chelsea ay ka maqnaan doonaan Frank Lampard iyo Ashley Cole oo jilibka iyo anqawga ka kala dhaawacan.

Sidoo kale Kabtanka John Terry ayaa isna ka soo kabsanaya dhaawac horay uga gaaray feeraha.

Dhinaca Wigan, iyagana waxaa ka maqan Hugo Rodallega oo todobaad kale sii maqnaan doono.

Waxaa lagu wadaa in ay uu u soo laabto Maxamed Diame kadib markii laba cayaar uu kaga maqnaa dhaawac dhinaca gumaarka ah.

Cayaaraha kale ee Maanta:Cayaarta hore waxay dhexmaraysaa Sunderland iyo Tottenham oo hadda 0-0 taagan kadib qaybtii labaad oo ay ka dhiman tahay ilaa sodon daqiiqo.

Bolton waxay la cayaaraysa Fulham.Liverpool ayaa la kulmay Aston Villa. Norwich iyo Everton way wada cayaarayaan, West Brom iyo Blackburn way is arkayaan

Iyo cayaarta galinka dambe oo dhexmaraysa Stoke iyo Wolves.

Calaamadayso

Email Facebook Google+ Twitter