BBC Somali

War > Cayaaraha

Natiijooyinka ciyaaraha koobka qaramada Afrika

Facebook Twitter Google+
28 Janaayo 2013 01:21

Abdirahman Koronto

BBC Somali, Koonfur Afrika


Morocco 2-2 South Africa

Waxay ahayd cayaar xiiso badan oo rajadu marba dhinac isku rogaysay, mar Morocco ayaa faraxsanayd oo u haysatay in ay u gudubtay wareegga xiga, mar rajadoodu way sinnayd in labadu u gudbaan qaybta xigta, marna Koonfur Africa ayaaba dib u soo noolaatay.

Cayaarta oo ku bilaabatay iyadoo Koonfur Africa ay u baahan tahay oo kaliya barbardhac, isla markaana Morocco ay waajib ku ahayd in ay badiso si u soo baxdo.

Cayaarta oo socota 10 daqiiqo oo kaliya ayaa Morocco uu cayaaryahanka El Adoua uu gool u dhaliyay kooxdiisa, oo gool looga hormaray kooxda martida loo yahay ee Koonfur Africa.

Goolkaas ayaa qaybtii hore oo dhan ay ku hogaaminaysay.

Balse qaybtii labaad markii la isugu soo laabtay, ayaa kooxda Koonfur Africa ay u suurtagashay in goolka barbardhaca uu u ansixiyo cayaaryahanka Mahlangu daqiiqadii 71-aad.

Farxadii Koonfur Africa ayaa dib u soo laabatay, maadaama barbardhac ay toos ugu soo baxaysay Koonfur Africa.

Hase yeeshee sadex daqiiqo kadib ayaa Abdeliah El-Xafidi uu gool kale u dhaliyay Moroco oo cayaarta oo sided daqiqo oo kaliya ka harsan.

Cayaarta oo 2-1 ay Morocco ku hogaaminayso oo hadii ay badin lahayd u gudbi lahayd qaybta sideedda kooxood natiijo kasta oo ay ku dhamaato cayaarta kale isla Group A, ayaa Koonfur Africa oo hari lahayd hadii laga badiyo uu afar daqiiqo kadib shabaqa kooxda Morocoo uu kubadda dhex dhigay cayaaryahanka Rantie.

Sidaas ayaa Morocco ku hartay maadaama cayaarta kale ee rajadeedu ku xirnaan lahayd hadii barbarro ay ku dhamaato lagu kala adkaatay.

Cape Verde 2-1 Angola

Kooxda Cape Verde, oo sanadka ay tahay markii ugu horaysay ee tartankan ay soo xaadirto, ayaa u gudubtay wareegga labaad.

Waa jasiirado dhowr ah oo ay ku nool yihiin ilaa shan boqol oo kun oo qof.

Kooxda Cape Verde labadii cayaarood ee hore waxay barbardhac la gashay labada koox ee Koonfur Africa oo ay ku kulmeen cayaartii furitaanka, wax gool ahna waa laga dhalin waayay, balse iyadaaba qalqal galisha koodii koonfur Africa cayaartaas.

Cayaartii xalay ee dhexmartay Cape Verde iyo Angola, oo Morocco barbardhac goolal la’aan ah horay ula soo gashay, waxay ahayd mid xiiso badan.

Kooxda Cape Verde oo tartankan wacdaro ka muujisay ayaa kulanka ay la lahayd Angola 3 gool oo ka dhashay labada dhinac ay sadexduba dhaliyeen cayaaryahanadooda.

33 daqiiqo markii ay socotay ayaa cayaaryahanka Nando uu shabaqa kooxdiisa kubadda dhigay oo goolkaasna loo qoray kooxda Angola.

Cayaarta oo lagu kala nastay 0-1 Angola ku hogaaminayso, ayaa Cape Verde qaybtii labaad ay dardargalisay weerarkeeda.

Waxna kama soo bixin dadaalkeeda ilaa laga gaaro tobankii daqiiqo ee ugu dambaysay oo laba gool ay kaga dhaliyeen kooxda Angola. Daqiiqadii 81-aad waxaa goolka koowaad u dhaliyay cayaaryahanka Varela, iyadoo sagaal daqiiqo kadibna uu mid labaad u ansixiyay cayaaryahanka Hendon.

Cape Verde, waxay noqotay dalkii ugu tirade yaraa Africa ee waligii ka gudbay tartanka wareegga hore.

Iyadoo horay loo saadaalinayay in ay noqon doonto kooxaha dhibcaha iyo goolashaba lagu badsado ayay hadda maraysaa in laga wada cabsado.

Waxaa hadda ay ku soo aadaysa kooxda kaalinta koowaad kaga soo baxda Group-ka B. Iyadoo kooxda labaad group-ka B kaga soo baxdana ay ku aadan tahay kooxda dalka Koonfur Africa.

Hadaba Cayaaraha manta Group B, waxay u dhaxeeyaa DR Congo waxay la kulmaysaa Mali, halka kooxda Niger-na ay la cayaarayso kooxda Ghana.

Hadaba qaar ka mid ah taageerayaasha kubadda cagta Africa oo aan kulmay magaalada Rustenburg ee Koonfur Africa ayaa iiga waramay aragtidooda natiijooyihiin cayaaraha.

Group-yada C iyo D ayaa afarta koox ee ka soo bixi doonta la ogaan doonaa maalmaha Tallaadada iyo Arbaca.

Kooxda kow ku soo baxda qaybta C waxay la cayaaraysaa kooxda laba ku soo baxda D, iyadoo kooxda D kow kaga soo baxda ay la kulmayso kooxda C laba kaga soo baxda.

Tallaada kooxda qaybta C ee cayaaraya waxaa ka mid ah Burkina Faso iyo Zambia iyo Ethiopia oo la kulmaysa kooxda Nigeria.

Arbacadana kooxda Algeria ee Group D, ayay is arkayaan Ivory Coast, Algeria xitaa hadii ay adkaato way hartaa, waxaa kaloo iyaguna kulmaya Togo iyo Tunisia oo labadu min sadex dhibcood leh. Togo waxay ku soo baxdaa oo kaliya hadii ay badiso, Tunisia-na barbarro ayaa ku filan.

Calaamadayso

Email Facebook Google+ Twitter