BBC Somali

War > Warar

Qarax ka dhacay Baydhaba

Facebook Twitter Google+
9 Abriil 2012 22:31
Baydhaba

Ilaa 13 qof ayaa ku dhintay, iyadoo dhowr iyo sodonna ay ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay magaalada Baydhaba ee caasimadda gobolka Bay.

Qaraxa, ayaa ka dhacay suuq ku yaalla bartamaha magaalada Baydhaba, qaybta qudaarta iyo hilibka ee suuqa, ayaa qaraxu uu ku dhacay.

Ilaa hadda cidna ma sheeganin mas'uuliyadda qaraxa in ay ka dambaysay.

Shariif Xassan Sheekh Aadan, oo hadda ku sugan Baydhaba, ayaa ku tilmaamay fal argagixisnimo oo bini'aadaminimada ka baxsan.

Magaalada Baydhaba ayaa waxaa dhowaan la wareegay ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda ku meelgaarka ah.

Ilaa 100 askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa dhowaan halkaas la geeyay, iyadoo lagu wado in ay.

Calaamadayso

Email Facebook Google+ Twitter