BBC Somali

War > Warar

Saif al-Islam "ma heli doono" cadaalad

Facebook Twitter Google+
6 Luulyo 2012 18:54
Saif al-Islam

Qareen ka socota Maxkamadda dambiyada ee adduunka ayaa sheegeysa in wiilka uu dhaley hogaamihii hore ee Libya Mucammar al-Qadafi, Saif al-Islam, uusan heli doonin maxkamad cadaalada ah.

Gabadhani Melinda Taylor ayaa hadleysey maalmo kadib markii laga soo daayey xabsi ku yaalla magaalada Zintan ee dalka Libya.

Waxay sheegtey in aanay suura gal ahayn in Saif al-Islam uu helo maxkamad madax banaan.

Mas’uliyiinta dalka Libya ayaa dhowr jeer oo hore sheegey in Saif al-Islam la soo taagi doono maxkamad caddaalad ah.

Gabadhani qareenka ah ayaa dalka Libya lagu haayay muddo sadex toddobaad ah, waxaa loogu shakisnaa jaajuusnimo.

Maxkamadda dambiyada ee adduunka ayaa sheegtey in ay baari doonto eedeynta dowladda Libya.

Taylor ayaa sheegtey in ay u dhaqmeysey si waafaqsan sharciyada maxkamadda dambiyada.

Saif al-Islam oo la filayey in aabihii uu xukunka ka dhaxlo ayaa la soo qabtey bishii November ee sanadkii hore, sadex bilood kadib markii xukunka dalkaasi ay qabsadeen mucaarad ka soo horjeedey xukunka aabihii.

Calaamadayso

Email Facebook Google+ Twitter