BBC Somali

War > Warar

Masar oo sheegtay inay taageereyso Qasa

Facebook Twitter Google+
16 Novermber 2012 15:17
Qasa

Ra'iisul Wasaaraha Masar, Hisham Qandil, ayaa ugu baaqay Israaiil inay joojiso duqeynta dhinaca hawada ee ay ku hayso magaalada Qasa.

Booqasho gaaban oo uu ku tagay halkaasi ayaa waxa uu muujiyay sida ay u taageersan yihiin dadka reer Falastiin, waxaana uu sheegay waxa uu arkay inay tahay masiibo, isla markaana uu ka aamusi karin.

Duqeynta hawada ee Qasa ayaa sii socotay intii booqashada uu ku jiray iyo gantaallada laga ridayo Qasa ee dhinaca Israaiil loo ridayo.

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Tuniisiya ayaa ku dhawaaqay in uu isna booqan doono Marinka Qasa maalinta Sabtida.

Ugu yaraan 19 Falastiini ah iyo Saddex Israaiili ah ayaa ku dhintay weerarada u dambeeyay ee labada dhinac oo bilowday Arbacadii.

Qaraxyo waaweyn ayaa laga maqlay magaalada Tel Aviv, waxaana la daaray dhawaaqa digniinta ah, markii Xamaas ay soo riday gantaallo.

Calaamadayso

Email Facebook Google+ Twitter